ARAGTIDA REGION BETA PARADOX

Aragtida “Region Beta Paradox” waa fikrad cilmi-nafsiyeed oo tilmaamaysa in mararka qaarkood dadka ay si dhakhso ah uga soo kabtaan waayo-aragnimooyin ama dhibaatooyin aad u xun marka loo eego kuwa iska dhexdhexaad . Sababta la tuhunsan yahayna waa in xaaladaha aadka u xun ay kiciyaan hab-difaaceed maskaxeed oo isku daya in uu si dhakhsi leh u xaliyo dhacdadaas ama dhibtaas kusoo gaadhay, halka xaaladaha aan aadka u xumayn aysan kicin hababkaas, taasoo keenta in dhibaatadu sii dheeraato.

waxaa jira tusaalooyin badan oo lagu matalo aragtidan balse kan ugu caansan ayaa ah tusaalaha baaskiilka. haddaba si aad u fahanto tusaalahan bal qiyaas in aad u shaqo tagto goobo kuu dhaw iyo goobo kaa fog.

Goobta kuu dhaw waxay u badantahay in aad lugayso oo mudo dheerna aad sii socoto halka goobta kaa dheerna aad gaari ama baaskiil usii qaadato, mudo yarna aad ku gaadho goobtii.

Tani waxay muujinaysa in mushkilada soo korodhay ee ah masaafada dheer ay maskaxdaadu durbadiiba ka fikirto xalkeeda isla markaana ay keento goaan kii ku haboonaa oo ah in aad gaari ama baaskiil qaadato si dhaqsi lehna aad ku gaarto goobtii, halka masaafadii gaabnayd aanay maskaxdaadu u arkayn dhibaato aad u weyn sidaa darteed aanay si dagdag ah uga falcelin.

Haddii aanad tusaalahan si fiican u fahmin bal fiiri midkan kale.

qof shaqo aan aad u fiicnayn haya ayaa laga yaabaa inuusan shaqada ka tagin, maadaama ay wali tahay mid la aqbali karo. Haddii shaqadaasi aad u xumaato, qofkaasi wuxuu u badan yahay inuu shaqo kale raadsado, taasoo u horseedi karta inuu si dhakhso ah uga baxo xaaladdaas.

waxaan filayaa in aad ila fahantay tusaalaha danbe, haddii aadan fahmin kii hore.

si guud aragtidani waxay inoo tilmaamaysaa in dhibaatooyinka waaweyn ama xaaladaha xunxun ee nagu dhaca ay noo horseedaan goaano caqiiba leh oo waxtar inoo leh, balse dhibaatooyinka yar yar aanay nagu riixin in aan qaadano goaamada caynkaas ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top