Ma dareentay mararka qaar in hawshaada ay kugu adkaato inaad si joogto ah u qabato, maskaxdaaduna ay si fudud u daasho? Haddii aad tahay arday, macallin, ama qof shaqo xafiis ku leh, farsamada Pomodoro waxay noqon kartaa xal wax ku ool ah oo kaa caawinaya inaad diiradda saarto, waqtigana si hufan u maamusho, kana fogaato daal maskaxeed.
Waa Maxay Farsamada Pomodoro?
Farsamada Pomodoro waa hab maarayn waqti ah oo uu sameeyay Francesco Cirillo dabayaaqadii 1980-meeyadii. Magaca “Pomodoro” wuxuu ka yimid saacaddii qaabka yaanyada ahayd oo uu Cirillo u adeegsaday inuu ku cabbiro waqtiyada shaqada. Habkani wuxuu shaqada u kala qaybiyaa xilliyo 25-daqiiqo oo shaqo ah, oo loo yaqaan “Pomodoro”, oo ay ku xigaan nasashooyin gaagaaban oo 5-daqiiqo ah. Marka la dhameeyo afar Pomodoro, waxaa la qaataa nasasho dheer oo u dhexeysa 15 ilaa 30 daqiiqo.
Sida Loo Adeegsado Farsamada Pomodoro
Habka Pomodoro wuxuu leeyahay afar talaabo oo fudud:
- Qorshee Hawsha: Dooro hawl gaar ah oo aad rabto inaad qabato, tusaale inaad buug akhrido.
- Deji Saacadda: Deji saacaddo 25 daqiiqo ah oo bilow shaqada.
- Shaqo Joogto ah: Ka shaqee hawshaas ilaa saacadda ay dhamaato(25ka daqiiqo)
- Nasasho Gaaban: Qaado nasasho 5 daqiiqo ah.(nasasho dabiici ah)
- Ku Celi: Ku celi talaabooyinka kor ku xusan afar jeer, ka dibna qaado nasasho dheer oo 15 ilaa 30 daqiiqo ah.
Faa’iidooyinka Farsamada Pomodoro
- Diiradda sare: Shaqooyinka 25-daqiiqo ah waxay kaa caawinayaan inaad si buuxda diiradda u saarto hawshaada.
- Ka Hortagga Daalka: Nasashooyinka joogtada ah waxay ka hortagaan daal maskaxeed iyo gubasho.
- Maareynta Waqtiga: Waxay kaa caawisaa inaad si hufan u maareyso waqtiyada shaqadaada.
- Kordhinta Wax-soo-saarka: Habkani wuxuu kordhiyaa wax-soo-saarkaaga maalinlaha ah ee qofka
Talooyin Ku Saabsan Adeegsiga Farsamada Pomodoro
- Ka Fogow Qalqalka: Dami ogeysiisyada taleefanka iyo baraha bulshada inta aad shaqaynayso iyo xitaa marka aad nasiinada qaadanayso.
- Qor Hawlaha: Samee liis hawleed si aad u ogaato waxa aad qabatay iyo waxa kuu harsan.
- La Soco Horumarka: Isticmaal barnaamijyo ama saacado gaar ah si aad ula socoto Pomodoro-yada aad dhammaysay.
Gunaanad
Farsamada Pomodoro waa hab sahlan oo wax ku ool ah oo kaa caawin kara inaad si hufan u qabato hawlahaaga maalinlaha ah. Iyadoo aad samaysanayso xilliyo shaqo oo gaagaaban iyo nasashooyin joogto ah, waxaad kordhin kartaa diirad saarkaaga, yareyn kartaa daalkaaga, isla markaana aad gaari kartaa natiijooyin wanaagsan. Haddii aad raadineyso hab cusub oo aad ku hagaajiso wax-soo-saarkaaga, tijaabi farsamada Pomodoro maanta!